Wigan Athletic oo tartanka FA Cup-ka ka reebtay Manchester City xilli Fabian Delph uu casaan qaatay

Wigan Athletic ayaa noqotay kooxdii sadexaad ee guuldaro dhabarka u saarta Manchester City xilli ciyaareedkaan kadib Shakhtar Donetsk iyo Liverpool, waxeyna si rasmi ah uga cirib tirtay tartanka qadiimiga ah ee FA Cup.

Guardiola hadda wuxuu fursad u heystaa inuu u tartamo kaliya sadex tartan, waxaana soo idlaatay rajadii ay ka lahaayeen koobabka loo yaqaanno sadexleyda maadaama FA Cup-ka laga reebay.

Gool uu dhaliyay qeybahii ugu dambeeyay kulanka Will Grigg ayaa lagu dilay kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola, waxaana xusid mudan in kulanka intiisa badan ay ku ciyaareen 10-xidig kaliya maadaama casaan la siiyay Fabian Delph.

Natiijada waxey kusoo idlaatay 1-0, oo ay guusha ku raacday Wigan, waana markii sadexaad oo ay Wigan tartankaan kaga badiyaan Citizens – waxaana si weyn loo xasuustaa iney ka qaadeen FA Cup 2013.