Wararka aan ka heleyno isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in duhurnimadii maanta halkaasi lagu dilay Wiil dhalinyaro ahaa oo si weyn looga garanayay magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta waxa ay u sheegeen in rag hubeysan ay agagaarka Isgoyska Banaadir ku toogteen wiilkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Sheekh Cali.
Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa waxa ay sheegeen dableyda in wiilkan ay ka toogteen qeybta sare ee jirkiisa, kadibna ay goobta ka baxsadeen kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidanka ammaanka, sidaasina uu goobta ugu geeriyooday.
Ilo wareedyo ayaa waxa ay sheegeen wiilkan inuu madax ka ahaa shirkadda Start Up Grind oo ah Shirkad dhalinyarada ku dhiiragelisa hal abuurka ganacsiga, sidoo kale waxaa la sheegay Maxamed inuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee dalka ka hirgeliya goobaha lagu dhaqo Jaakadaha ee loo yaqaano Laundry.
Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, halkaasi oo ay ka sameeyeen baaritaano la xiriira dilkan dhacay iyo sidii looga daba tagi laha raggii dilka geystay.