Wiil dhalin yaro Ah oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xalay degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ah sidda ay warbaahinta  u xaqiijiyeen dadka degaanka.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Daahir Xasan, waxaana uu ka mid ahaa dhalinyaradda kunool degaanka Ceelasha Biyaha.

Kooxo hubeysan ayaa toogtay Cabdirashiid Daahir oo kasoo baxay dukaan ku yaalla Agagaarka halka lagu Magacaabo Quraca.

Sidoo kale Kooxaha hubeysan ayaa markii ay dileen wiilka dhalinyaro ah, waxa ay horay u qaateen gaari nuuca raaxadda ah oo uu watay sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Cabdirashiid ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo wax ka baran jiray mid ka mid ah Jaamacaddaha ku yaalla Magaalada Muqdisho.