Wiil dhalinyaraa ahaana bajaajle oo lagu dilay muqdisho.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay magaalada Muqdisho loogu gaystay wiil dhalinyaro ahaa oo xalay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada Booliska uu ku dilay degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxiin Cabdulle Sheekh ayaa wade mooto Bajaajle oo ka shaqeeya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sababta loo dilay marxuumka ayaa lagu sheegay inay tahay nalka mootada oo uu ku shidan askariga, kadibna uu sidaas xabad ugu dhuftay.

Aabaha marxuumka ayaa sidoo kale ka hadlay dilkan argagaxa leh ee xalay ka dhacay Muqdisho, wuxuuna sheegay in ninka dilay uu yahay sarkaal Boolis ah.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in maydka ay galiyeen Firinjeer, ayna sugayaan cadaalad iyo in lasoo qabto eedeysanaha.

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay dilal iyo dhacdooyin kale oo argagax leh, kuwaas oo saameyn ku yeeshay bulshada Soomaaliyed.