Wiil Isku Dilay Magaalada Muqdisho

Wararka aanu ka helayno Xaafada Faanoole oo ku taal degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in halkaasi uu isku dilay Wiil dhalin yaro ah oo aad looga yiqiinay xaafadaas Faanoole.

Wiilka dhalin yarada ah ee is dilay ayaa lagu magaciisa lagu soo koobay Ismaaciilay waxaana la  sheegay in uu qabay xanuun ku soo kaca oo dhimirka ah maalmihii la soo dhafayna uu ku xirnaa Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho lagana soo saaray maalmo ka hor.

sida ay noo sheegay ka hor inta uu san is dilin in uu dhirbaaxyeeyay Hooyadiis oo waayeel ahayd kadibna uu isku soo xiray qol ka mid guriga ay deganaayeen.

Waxaa la sheegay in markii uu ku jiray dhoowr saacadood loo rgaraacay guriga hase,ahaatee uu furi waayay deetana lagu jebiyay lana arkay isaga oo mayd ah,Waxaasa loo badinayaa in uu isku dilay Koronto ku jirtay guriga oo la arkay iyada oo ku duuban.