Wiil mooto Bajaajle ah oo lagu toogtay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Wiil dhalinyaro Mooto Bajaajle ah oo saakay lagu dilay degmada Hodan gaar ahaan Barkontorool oo ciidanka xasilinta ay ku leeyihiin halka loo yaqaano sarta Seybiyaano.

Dadka degaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen dilkan inuu yimid kadib markii askartii joogtay Barta ciidan ay Mooto Bajaajlaha ku amreen inuu istaago balse uu maqli waayay, sidaasina ay rasaas ugu fureen.

Wiilka dhalinyarada ah ayaa dhaawac ahaan goobta looga qaaday, kadib markii laba xabadood ay kaga dhacday dhabarka, iyada oo markii dambe uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Qaar ka mid ah wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa xaqiijiyay in askariga uu qaladka lahaa, waxaana qaar ka mid ah dhalinyarada Mootada ku shaqeysata ay halkaasi ka dhigeeen banaanbax kooban oo falkan ay uga soo horjeedaan.

Saraakiisha ciidamada ammaanka Soomaaliya wali kama aysan hadlin falkan dilka ah ee askarigan uu kula kacay ruuxa watay Mooto Bajaajta oo aan waxba galabsan.

Dhibaatooyinka dhalinyarada mooto Bajaajta wata ay kala kulmaan ciidamada dowladda ayaa aad u sii kordhaya maalmahan dambe, maadaama dhawaan Muqdisho lagu dilay laba dhalinyaro aheyd oo Bajaaj ku shaqeysan jirtay.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan shacabka ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo Qoryaha ay wataan ku dhibaateeya shacabka, iyada oo ay muhiim tahay in arrintan wax laga qabto.