Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in Dowladdiisa ay xoogga saarayso sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta Dowladda Dhexe iyo Ismaamullada si loo fuliyo mashaariic kala duwan oo faaiido u leh Dalkaas.
William Ruto ayaa tilmaamay in muhiimad gaar ah ay leedahay wadashaqaynta labada heer ee Dowladeed si sare loogu qaado dib u soo noolaynta dhaqaalaha hoosta u dhacay ee jahwareerka badan dhaliyay.
Dhaqangelinta Istaraatiijiyadda kobcinta dhaqaalaha looga soo billaabaya meel hoose si loo dardargeliyo waxsoosaarka waaxyaha kala duwan ee Ismaamullada deegaanka oo wadashaqayntoodu sare loo qaadayo.
Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto oo khudbad ka jeediyay shirka 2aad ee maalgashiga Caalamiga ah ee lagu qabtay Ismaamulka Homa Bay ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diyaar u tahay in dhankeeda ay xoojiso wadashaqaynta.
Ismaamullada Qaar ayaa sheegay in aanay gaarin mashaariicda Dowladda Dhexe soomara waana tan keentay in dhowr jeer ay gudbiyeen cabashooyin kala duwan oo ay ku doonayaan in ay ku raadinayaan xuquuqda ay u baahan yihiin Dadka ay hoggaanka u yihiin.