Wilshere & Bertrand Oo Seegaya Liiska Ciyaartoyda England Ee Koobka Aduunka Xilli Young & Delph Lagu Soo Dari Doono – Xanta Warbaahinta Ingiriiska.

Kubad sameeyaha Arsenal Jack Wilshere iyo daafaca bidix ee Saint Ryan Bertrand ayaa seegi doona liiska ciyaartoyda England ee ka qeyb galaya koobka Aduunka sida ay xan ku heshay shabakadda SunSport.

Horay waxey u sheegtay shabakadda in qaranka laga reebi doono goolhayaha amaahda ku jooga West Ham balse ay milkiyadiisa leedahay Manchester City Joe Hart laga reebi doono qaranka England ee maanta lasoo magacaabi doono.

Haatan warbixinta waxey sheegeysaa in Ashley lagu soo dari doono liiska isagoo booska kala bixi doona Ryan Bertrand oo ka tirsan Southampton, 32-jirka Red Devils ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican isagoo boos joogto ah ka heystay kooxdiisa.

Sidoo kale Fabian Delph ayaa laga yaabaa inuu buuxiyo booska Jack Wilshere oo ay u badan tahay in laga reebo qaranka, xidiga reer England ayaa in badan dhaawac noqday 20-kii bilood ee lasoo dhaafay walow uu taam buuxa ahaa kulamadii ugu dambeeyay kooxdiisa.

Fabian Delph ayaa kaliya 7-jeer u ciyaaray qaranka England, markii ugu dambeyay waxey aheyd sanadkii 2015 markii ay la ciyaareen Spain.

Lama oga hadii Gareth Southgate uu daafacyada ku dari doono ama khadka dhexe, balse sidey u badan tahay Wilshere booskiisa ayaa la galin doonaa.

Dhanka kale Jack Wilshere ayaa rajeynaya inuu qaranka matalo koobka aduunka, balse wax kalsooni ah ma heysto maadaama doorashada ay macalinka ku xiran tahay.

Wilshere oo 26-jir a wuxuu qarankiisa matalay koobkii Euro 2016 markaas oo ay kusoo baxeen gacmaha Iceland oo ka yaabisay dadka kubadda cagta.

Liiska xulka qaranka England waxaa la magacaabi doonaa 1pm xiliga UK oo ku beegan 3pm xiliga geeska Africa.