Wufuud Ay Hugaaminayaan Madaxweynayaasha Jabuuti Iyo Suudaan Oo Gaaray Dalka Itoobiya

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo wufuud ay hoggaaminayaan ayaa Maanta waxa ay gaareen Magalada Jimmi ee Ismaamulka Oromada dalka Itoobiya.

Wafdiga ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladda iyo Ismaamulka Oromada Itoobiya.

Madaxda Saddexda dal ayaa ka wada hadli doona arrimaha horumarineed ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka Cusub ee dhawaan ka bilaawday wadadamada Geeska Afrika.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa waxa ay ka qeyb geli doonaan Bandhiga Dhaqameedka Sanadlaha ee Qowmiyadaha Itoobiya ee ka dhacaya Magalada Jimmi ee Ismaamulka Oromada dalka Itoobiya.