Xaaf loogu soo dhaweeyay Magalada Hobyo

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xubno la socda ayaa Maanta socdaal aan horay loo sii shaacin waxaa ay ku tageen Magalada Hobyo ee Gobolka Mudug,iyaga oo ka mababaxay Magalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hobyo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada Hobyo Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin kuwa ka qeyb galayay shirka ka socda Magalada Hobyo.

Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo waxa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxa uuna inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan bulshada.

Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa halkaasi sida la sheegay waxaa uu u tegay ka qeyb-galka shirka ay Magalada Hobyo ku leeyiiin mid ka mid ah Beelaha dega deegaannada Galmudug shirkaas oo la filayo in dhawaan la soo geba-gabeeyo.