Xaaf Oo ku baaqay joojinta Colaada deegaanka Qalanqale

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku baaqay in la joojiyo Dagaalka ka socda dagaanada Xanan buure iyo Qalaan qale ee Gobolka Galgaduud.

War qoraal ah oo ku soo qoray boggiisa Facebook Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayuu uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaalka dagaanadaasi, isagoo si gaara ugu tacsiyeeyay wasiirkiisi Daahir Shidane Cabdi oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay dagaalkaasi xilli uu kala celinayay maleeshiyaadka isku haya halkaasi.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka laga rabo in ay kala dhexgalaan beellaha dagaalamaya,islamarkaana gacanta lagu dhigo kuwa dagaalka hurinaya.

Dhawaacyo badan la geeyay Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb sidda ay xaqiijiyeen maamulada Isbitaallada.

Ku dhawaad 10 ruux la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaal beeleedka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa mudaba is hor fadhiyay ayaa isku haya baraago laga qoday dhul miyi ah oo deegaankan hoostaga taasi oo xalkeeda dhowr jeer lagu guul dareestay .