(SAWIRO): Xaaf oo sheegay in danta Galmudug u tanaasulay

Madaxweynihii hore ee Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta siwyen loogu soo dhaweeyey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug,isaga oo xalay ku hoydey Magaalada Gelinsoor ee Gobolkaasi Galgaduud.

Xaaf iyo Xubnaha la socdey ayaa waxaa Maanta duleedka deegaanka Godinlabe kasoo wadey Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor Qoor),kuxigeenkiisa iyo Xubno ka tirsan Xildibaannada Golaha Shacabka.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Warbaahinta la hadley ayaa waxaa uu sheegay in Maanta ay tahay maalin weyn uu qiimo badan u leh Shacabka Galmudug,waxaana uu sheegay in khilaafku uu yahay fidno loogana baahan yahay in laag gudbo.

Waxaa uu sheegay Xaaf in uu u tanaasulay danta iyo dhismaha Galmudug loogana baahan yahay in Madax iyo Shacab ah ka wada Shaqeeyaan hormarinta maamulka Galmudug.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in weli uu kusii sugnaan doono deegaananda Galmudug,isla markaana uu ka Shaqeyn doono horumarinta iyo dhismaha Goobaha muhiimka ah ee Maamulka Galmudug.

Â