Xaalad Kacsanaan ah oo ka jirta Kismaayo

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegayaa Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Maamulka Jubbaland, kadib ciidamo ka careysan xariga Xildhibaan Axmed Taajir oo saaka lagu arkay Magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Axmed Taajir oo Baarlamaanka Jubbaland ay sheegeen inay ka qaadeen xasaanada Xildhibaanimo, ayaa wuxuu ku xiran yahay xarun ciidanka Nabad Suggida Jubbaland ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.

Ciidamo ka gadoodsan xariga Xildhibaanka ayaa waxa ay saaka fuuleen dabaqa Fiat oo ka soo horjeeda Xarunta Nabad Suggida Magaalada Kismaayo ay ku leedahay.

Wararka waxa ay sheegayaan in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto Magaalada Kismaayo, inkastoo Odayaal dhaqameedyo ay wadaan waan waan la xiriirta sidii loo qaboojin lahaa xaaladaha ka taagan Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka ciidanka Booliska Jubbaland Jaamac Axmed Xasan ayaa sheegay waxa gadooday inay ahaayeen ciidamo istaaf u ahaa Xildhibaanka, balse arintaasi la xaliyay oo aysan xaalad kale ka jirin Magaalada Kismaayo.

Inkastoo Saraakiisha ammaanka Jubbaland ay iska indha tirayaan xaqiiq ka waramida waxa ka jira Magaalada Kismaayo, ayaa haddana dadka deegaanka iyo Saraakiil diiday magacooda in la adeegsado waxa ay qirayaan in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto Kismaayo.

Xildhibaan Axmed Taajir ayaa todobaadkii hore lagu xiray Magaalada Kismaayo, kadib markii uu ka soo horjeestay xasaanad ka qaadistii Baarlamaanka Jubbaland ay ku sameeyeen.