Xaalada Deegaanka Dhumay Oo Saaka degan

Saaka waxaa degan xaalada degaanka Dhumay ee gobolka Sool oo ay ku wada dagaallameen laba malleeshiyo beeleed, inkastoo ay wali is horfadhiyaan.

Ma jirto cid si rasmi ah ugu dhexjirta xallinta labadan beelood ee walaalaha ah, ee dirirtu dhexmareyso, iyadoo la filan karo in markasta uu dagaal dhexmaro.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in khasaaruhu uu gaarsiisan yahay 40 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawaca oo ka badan yahay 80 qof kuwaas oo dhaawacyadooda la geeyay xarumaha caafimaad si loogu daweeyo.

Odayaasha dhaqanka gobolka Sool ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Dhumay ee gobolka Sool, islamarkaana la damiyo xiisada colaadeed.

Waxa ay ugu baaqeen in la soo afjaro colaadaan sii baaheysa miiska wadahadalkana lasoo wada fariisiyo beelahaan dagaalku uu dhexmarayo.

Puntland ayaa labada beelood ee colaada ay ka dhaxeyso waxa ay ugu baaqday inay si deg deg ah ku joojiyaan xiisada, iyada oo masuuliyiinta, culimada iyo dhammaan shacabka ku boorisay inay ka qeyb qaataan sidii loo soo afjari lahaa colaada.