Xaalada Itoobiya oo faraha kasii baxaysa iyo Jamhada OLA oo soo bandhigtay Ciidamo ay qabteen

Iyada oo Dagaallo culus ay ka socdaan Dalka Itoobiya waxa ay Jabhadda Hubeysan ee Xorraynta Oromiya loona soo gaabiyo OLA ay soo bandhigtay Maxaabiis badan oo ku labisan Dharka Militariga Federaalka oo ay sheegtay in ay ku qabatay dagaallada socda.

Muuqaal laga duubay Ciidankaan oo hubka laga dhigay ayaa ku baahay Baraha Bulshada iyaga oo sheegaya in dagaalka ay ku jireen laguna soo qabtay howlgal kamid ah howlgallada ay sameynayaan Jabhadda gacanta ku ku dhigtay ee OLA.

Sarkaal katirsan hoggaamiyaasha Ciidankaan ay qabatay Jabhadda ayaa sheegay in ay usoo dagaal galeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Goobaha ay joogaan Kooxdaan hubeysan ee dagaalka adag kala soo horjeedda Xukuumadda Abiy Ahmed.

Arrin ugub ah ma ahan in Ciidanka Federaalka Itoobiya toboneeyo kamid ah ay u gacanta ku dhigaan Jabhadaha Hubeysan ee Dalkaas ka aasaasmay wixii ka dambeeyay sanadkii 2020kii kaddib murankii ka dhashay Dib u dhigista Doorashada.

Geeska kale, Safiirka Maraykanka u fadhiya Dalka Itoobiya ayaa sheegay in Amniga Dalkaas uu faraha ka baxayo maalinba maalinta ka dambeysa isaga oo tusaale ugu soo qaatay in Todobadkii tagay in ka badan 100 ruux oo u badan Arday la afduubtay lagana qaatay madax-furasho.

Isu socodka Itoobiya gaar ahaan Ismaamullada qaar ayuu walaac ka muujiyay taasina ay sabab u tahay Jabhadaha Hubaysan oo iska ilaalinaya in ay ku dhex milmaan xubno katirsan Sirdoonka Abiy Ahmed ee doonaya in si kale ay u dhigaan dagaalka tooska ah ee ku waqti dheeraaday.