Xaalada Itoobiya oo Saamayn ku yeelatay dadka qaxootigaa.

Muwaadiniinta dalka Suudaan ee qaxootiga ku ahaa gudaha Itoobiya ayaa billaabay in ay isaga cararaan Itoobiya kadib markii ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo halis geliyay nolashooda.

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ka cararay xero qaxooti oo ku taalla Waqooyiga Itoobiya kadib makii lagula kacay dhac, handadaad iyo weeraro joogta ah oo ay geysanayaan ciidamda dowladda Itoobiya iyo kooxo hubeysan oo aan la garaneyn waxa ay yihiin.

Laamaha amniga Itoobiya oo waayadii dambe loo haystay caburinta muwaadiniinta iyo iska hor keenka qowmiyadaha dalkaasi ayaa gabay howshii loogu tala-galay ee sugidda amniga dadka ku nool gudaha Itoobiya oo ay ku jiraan qaxootiga.

Waxaa sidoo kale adkaatay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo dadka dhibaateysan iyada oo la dhacay kaalmadii loogu tala galay qaxootiga.

Sida ay sheegtay warbaahinta Suudaan, laga soo bilaabo bishii December ilaa Janaayo, ciidamada Itoobiya ayaa kufsaday afar gabdhood, waxaana sidoo kale jira dhac iyo afduub loo geystay shacabka Suudaan ee ku nool gudaha Itoobiya.