Xaaladda Magaaladda Dhusomareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa dagan waqtigan oo ah Saqdhexe, waxaana joogsatay Israsaaseyn xooggan oo dhexmartay caawa Ciidanka Ahlusunna ee ilaaladda ka ah Xarunta Xero Inji iyo Ciidanka Dowladda Somaliya ee iyaguna ku sugan baraha Control ee ku dhaw Xarunta Inji.
Rasaasta ayaa iskeed u istaagtay waqtiga danbe, waxaana la dareemayaa dhaq dhaqaaq Ciidan oo labadda dhinac ah.
Inta la xaqiijiyay labo ruux aya ku dhaawacantay rasaasta lais weedaarsaday, waxaana jira dad badan oo guryahooda ka barakacay inta habeenimo madaama si kadis dagaal ugu qabsaday Guryahooda oo ku dhow goobta wax ka dhaceen.
Majirto wax faah faahin dhameystiran oo dhinacyadda dagaalamay ay ka bixiyeen iska horimaadka dhacay iyo qasaaraha saxda ah ee ka dhashay.
Xarunta Inji ayaa waxaa dagan Masuuliyiinta Ahlusunna kuwaa oo kasoo horjeeda hugaanka cusub ee Maamulka Galmudug ee Dowladdu Aqoonsatay.
Wixii kasoo kordha xaaladda Dhusomareeb kala soco Radio Galgaduud.