Degmooyinka Gobolka Gedo Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaa saamayn taban ku reebay fatahaadda Webiyada Jubba iyo Daawa oo ay usii dheer yihiin Daadadka roobka Dayrta ee horraantii Bishii Oktoobar 2023 ka curtay Gobollada Soomaaliya.
Waddooyinka Degmada Ceelwaaq waxaa dul xarfanaya Xareedda Roobka ka dhalatay oo midab ahaan is baddelay waxaana durba arrintaan ka qaylo-dhaamiyay Dhaqaatiirta oo sheegay in cudurro ay ka dhalan karaan.
Maamulka Gobolka Gedo Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa dalbaday in la garab istaago bulshada ku nool Gobolkaas ee wajahaya xaaladaha dhinaca Nolosha ah maadaama intooda badan ay ka barakaceen guryahooda.
Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa loogu baaqay in ay si gaar ah u eegaan xaaladdaan oo u baahan in feejignaan dheeraad ah laga muujiyo si looga hortago cudurrada ka dhalan kara waa sida ay hadalka u dhigeen mas’uuliyiinta Gobolka Gedo.
Goobaha Caafimaadka ee Degmada Ceelwaaq ayaa u xirmay Daadadka waana halis kale oo digniin laga muujinayo maadaama qofkii xannuunsada aanay jirin goob lagu baaro ama lagu hubiyo xannuunkaas haya.