Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa la sheegay inay Xaaska 2-aad ee Madaxwihii hore ee dalka Sudan, Cumar Xasan Albashiir iyo carruurteeda iyo Walaalkiisa u diideen fasax ay kaga dhoofaan dalka Koonfurta Suudaan.
Shabakadda Wararka ee Masraawi ee dalka Masar ayaa qortay in Xaaska 2-aad eeĀ Albashiir oo lagu magacaabo Widaad Babikar Cumar iyo carruurteeda iyo Nin la dhashay Albashiir o olagu magacaabo C/llaahi Xasan Al-bashiir ayaa la hor joogsaday inay ka ambabaxaan Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba, iyagoo raaci lahaa Diyaarad Rakaab oo ku sii jeeday caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Dubai.
Shabakadda Masraawi waxay kaloo qortay inay Dowladda Suudaan ka codsadeen Qaraabadda Alshabaab inay isku tijaabiyaaan inay