Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale ayaa dadweynaha la wadaagay Warbixinnada Baarista Sannadlaha ee 2024, lana xiriira sannad maaliyadeedka 31 December 2023.
Xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka ayaa soo saaray natiijada shan baaris oo laga sameeyay 8 warbixinood.
Warbixinnada la soo saaray ayaa waxaa ku jira in baaritaan lagu sameeyay 19 hay’adood oo todoba kamid ah aysan lahayn qorshaha iibka sanadlaha ah taas oo lid ku ah sharciga iibka qaranka ee la soo saaray sannadkii 2016.
Hanti-dhowraha guud ayaa sheegay in shirkadaha Favori iyo Albayrak ay jabiyeen kuna xad gudbeen heshiisyadii ay la galeen dowladda.
Xafiiska hantidhowraha guud ayaa sannad walba soo saara Warbixinta Baarista Sannadlaha, sannadka la joogo kan ka horreeya.
Baarista warbixin Maaliyadeedka sanadlaha ah ee dowladda waxaa diyaariya xafiiska Xisaabiyaha Guud, iyada oo ay ku jiraan xogta dakhliga dowladda, qarashka baxay, iyo macluumaadka Maaliyadda.