Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo soo saaray amar la xariira joojinta adeega dhoofinta Shaqaalaha Soomaaliyeed ee Dalka Dibadiisa.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa faray dhammaan Hay’adaha Dowladda ee ay khusayso inay u hoggaansamaan ayna fuliyaan amarkii horay uga soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS ee la xiriiray joojinta adeegyada dhoofinta shaqaalaha Soomaaliyeed ee dibadda loo diro iyo baabi’inta ruqsadihii horay loo bixiyay.