Xafiiska HawlgalkaTababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo dad karantiilay

Saddex qof oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Yurub ee tababarka Soomaaliya ayaa haatan la karantiilay kaddib markii looga shakiyay fayraska Corona, sida uu barta Twitter-ka ku sheegay hawlgalkaasi.

Lama ogo in saddexdan lagu karantiilay gudaha Soomaaliya maadama aan la sheegin goobta.

Hawlgalka Midowga Yurub wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in Soomaliya aan laga helin cudurka Corona.

Dowladda Soomaaliya waxay shalay xaqiijisay in dalka uusan soo gelin cudurka Corona balse ay jiraan afar qof oo Soomaali ah oo ka yimid dhinaca Shiinaha oo lagu karantiilay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.