Waxaa aad Cirka Isku shareeray Qilaafka Madaxweynaha Galmudug
Kuxigeenkiisa kadib Markii Qoraalo kasoo kala baxay Xafiisyada
Labada Masuul ay U muuqdeen Kuwo layskugu Jawaabaayo
Arintaani ayaa ka Bilaabatay Kadib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed
cabdi kaariye Qoor qoor uu Laalay Wareegto Shaqada Looga joojiyay
Wasiirka Wasaarada Arimaha Guddaha Galmudug Cabdi wayeel
Oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid
Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug ayaa kahor Yimid Xilka qaadis Ay
Golaha Degaanka Degmada Caabudwaaq ay Kalsoonidii kala laabteen
Gudoomiyaha Degmadaasi
qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne kuxegeenka galmudug ayaana lagu
sheegay inay in ay dhaqan gal tahay shaqajoojinta wasiirka arimaha
gudaha galmudug
Warqada ka so baxday Xafiiska Madaxweyne Qoor Qoor waxay
baalmarsantahay Dastuurka Galmudug Shaqo ka joojinta Wasiirkii hore ee
Arimaha Gudaha Galmudug na wa dhaqan gal.
Sido kale Xilkaqadistii Golaha Deeganka Caabudwaq ay ku sameyeen
Gudomiyihii hore iyo kuxigeenkisa ayadan wa dhaqangal waxana Gudiga
Doorashada faraya in Doorasho Xor iyo Xalaal ah la qabto.
Waxaan faraya Hay,adaha kala duwan ee la shaqeeya Wasaarada Arimaha
gudaha Galmudug in aysan la macaamilin Wasiirki hore ee Shaqada laga
joojiyay hay,adi la macaamishana in Tilaabo Sharci ah laga qaadi
doono.
Ugu danbeyn laamaha Amniga waxaa la faraya in aysan ku milmin
Siyaasada murugsan ee Galmudug hada ka jirta.