Xafiiska Raiisal Wasaaraha oo lagu Qabtay Shir Muhiim ah.

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, oo guddoomiyey shirka Billaha ah ee Agaasimeyaasha iyo Maareeyaasha Hey’adaha Dowladda, ayaa looga hadlay Hirgelinta Xeerka Nidaaminta Xukuumadda iyo Kala Xadeynta Howlaha Dowladda iyo hirgelinta siyaasadda jaangoynta darajooyinka iyo mushaar bixinta , si loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha, loona xoojiyo dowlad wanaagga.
Kulanka, ayaa lagu soo bandhgay qaabka lagu hirgelinayo xeerarkan cusub, si shaqaaluhu ay u helaan xuquuqdoodii, waxaana la isku raacay in la qaabeeyo qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu fuliyo, iyada oo la tixraacayo Qorshaha Isbeddelka Qaran ee dhawaan la meelmariyey.