Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo sheegay inuu bilaabay baarista cabasho ka timid muwaadin Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay baaritaanno cusub oo laga furay cabasho uu soo gudbiyey muwaadin Soomaaliyeed, kaas oo ku eedeeyay Maareeyaha Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ee xafiiska Muqdisho tacaddi iyo ku takri-fal awoodeed.
Sida uu sheegay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, cabashadan ayaa si rasmi ah loo soo gaarsiiyay, iyadoo muwaadinka u maray habraacyada sharciga ah ee loo asteeyay gudbinta dacwadaha noocan ah. Xafiisku wuxuu tilmaamay in baaritaanka bilowgiisa uu diiradda saarayo In la xaqiijiyo dhacdada uu muwaadinku sheegay,In la ururiyo markhaatiyaal iyo dukumentiyo la xiriira eedeymaha,In la maqlo labada dhinac si loo helo sawir buuxa oo ku saabsan arrinta.

Mas’uul ka tirsan xafiiska oo ka gaabsaday in la magacaabo ayaa sheegay in baaritaanku uu socon doono ilaa laga helo natiijo dhammeystiran, ayna tallaabo sharci ah qaadi doonaan haddii uu jiro qof jebiyey xeerarka dalka u yaal.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa shacabka u xaqiijiyay in dowladdu ka go’an tahay sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda muwaadiniinta, isla markaana cid kasta oo ku takri-fasha awood ama ku xadgudubta sharciga lala xisaabtami doono.