Hantidhowraha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale ayaa heshiis soconaya 5 sano la galay haweeneyda Hantidhowrka ka ah Dalka Sweden, heshiiskaas ayaa ku qotoma Wada-shaqaynta labada Xafiis, taageero is dhaafsiga & waaya-aragnimada.
Sidoo kale xafiiska Hantidhowrka qaranka ayaa intaas ku daray in xirfadda gaarka ah ee horumarinta iyo tayaynta baarista waxqabadka (Performance Audit) oo kamid ah baarista uu dhigayo sharciga Hantidhowrka ay Sweden ka gacansiin doonto.
Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa arrintaan u cuksaday sharciga waxaana uu intaas ku daray in ujeedka ugu wayn uu yahay sare u qaadista khibradda xafiiskaan iyo xoojinta waaxda baarista waxqabadka sida hadalka loo dhigay.
Xafiiska Hantidhowrka qaranka ayaa muddooyinkii u dambeeyay qabanayay kulamo intooda badan lagu xoojinayo howlaha shaqo ee xafiiskaan uu hayo halka dabagal iyo fatash uu ku hayay meelaha inta badan musuqa lagu tuhmo si loo baaro.