- Sida ay warbaahintu ka heleyso Magaalada Garowe waxaa bilaabatay Munaasabada lagu caleemasaarayo Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Waxaana hoolka loo diyaariyay in lagu qabto munaasabadaasi gaaray madaxdii kala duwaneed ee lagu marti qaaday, Siyaasiyiin, Xildbibaano, Suxufiyiin iyo fanaaniin heeso madadaalo ah ka qaadaya halkaasi.
Waxaana caawa meel qura isku arkaya Madaxweyne Farmaajo iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda oo uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, sidoo kale Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dowladda dhexe ee Soomaaliya aad u dhaliila ayaa ku sugan caawa hoolka lagu caleemasaarayo Madaxweyne Deni.
Waxaa lagu wadaa in dhamaan madaxda kala aragtida duwan ee munaasabadaasi martida ku ah ay khudbad halkaasi ka jeediyaan, waxaana ay munaasabada caleemasaarka ay soo idlaan doontaa wixii loo gaaro saqda dhexe caawa.