xal u raadinta Qilaafka dowladda dhexe iyo Puntland oo la soo gaba gabeeyay

Senator C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ku sugan magaalada Garoowe kana tirsan guddiga Aqalka sare ee loo xil saaray xal u helista khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa sheegay in ay soo gaba gabeeyeen kulamadii ay la lahaayeen madaxda Puntland.

Waxa uu sheegay in ay rajeynayaan iney isku soo dhawaadaan oo la xaliyo khilaafka dowlladda dhexe iyo maamul goboleedyada, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in la wada shaqeeyo oo tanaasul badan dhinac walbo uu sameeyo.

Senator Faroole ayaa tilmaamay in madaxda Puntland ay ka dhageysteen cabashooyinka maalmaha soo socdana ay soo saari doonaan qoraal rasmi ah oo ku saabsan natooyinkii ka soo baxay kulamadii dhacay.

Xubno ka tirsan golaha Aqalka Sare ayaa isku howlay sidii loo dhex dhexaadin lahaa xalna loogu gaari lahaa khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana hada magaalooyinka maamul goboleedyada ku sugan xubno ka socda aqalka sare oo kulamo la leh madaxda maamul goboleedyada.