Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa degaanka Shabeellow oo 25km dhanka Bari kaga beegan degaanka Bacaadweyn we Gobolka Mudug, halkaas oo shalay ay ku dagaalameen dadka degaanka oo hubka qaatay iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaalka ka dhacay Gobolka Mudug ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen ku dhawaad 10 Ruux oo uu ku jiro Macalin Dugsi Quraan halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.
Ciidamo ka tirsan qeybta 21aad oo shalay dagaalka ku biiray ayaa gacanta ku hayaa degaanka Shabeellow, kuwaas oo xalay ilaa saaka howlgallo kala duwan ka wada degaankaas iyo degaannada ku dhow.
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay in dadka degaanka iyo Ciidamada Dowladda ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen Al-Shabaab.
Qaar kamid ah dadka ku nool degaanka Shabeellow ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegeen inay ka cabsi qabaan in markale dushooda lagu dagaalamo, iyaga oo qaarkood bilaabay inay barakacaan.