Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saartay ciribtirka kooxaha Khawaarijta, iyadoo dagaalka lagu beegsanayo awooddooda ciidan iyo fikirka ay bulshada ku faafiyaan, si looga hortago khatarta ay ku hayaan shacabka, dowladnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan jeediyay munaasabadda xuska sannad-guuradii weerarkii weynaa ee 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimashada boqollaal qof iyo dhaawaca kumannaan kale, isla markaana ka mid noqday musiibooyinkii ugu waaweynaa ee soo mara shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in weerarkaas uu muujiyay dhibaatada ay kooxaha argagixisadu ku hayaan shacabka, isaga oo xusay in bulshada Soomaaliyeed ay maanta si wanaagsan u fahmayaan halista uu fikirka kooxahaasi ku leeyahay noloshooda, midnimadooda iyo dowladnimada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka sheekeeyay waayo-aragnimadiisa gaarka ah ee maalintaas, isaga oo sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ka badbaaday qaraxa, kaas oo ka dhacay meel u dhow gurigii uu degganaa. Waxa uu sheegay in markii qaraxu dhacay uu dhulka ku dhacay, gurigiisiina uu burburay, isaga oo Alle uga mahadceliyay badbaadada uu helay.
“Dadkii Ilaahay ka badbaadiyay baan ka mid ahaa. Meeshaas markaas baan maray, guri aan degganaa oo 200 tallaabo u jira meesha wax ka dhaceen ayaan tagay. Markii uu qaraxu dhacay dhulka ayaan ku dhacay, baabuur ordayana Ilaahay baa iga dhaafiyay, gurigii waa uu dumay, dhammaanteen dadkii ka badbaaday baan nahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Xamsa Cabdi Barre ayaa intaas ku daray in Xukuumaddiisu ay mudnaan siisay la dagaallanka fikirka xagjirka ah, isaga oo sheegay in dowladda ay dadaal gelisay sidii culimada Soomaaliyeed ay bulshada ugu caddeyn lahaayeen aragtida gurracan ee kooxaha Khawaarijta. Waxa uu xusay in kulamo ay yeesheen culimada Soomaaliyeed ay ka soo baxday fatwo lagu qeexay mowqifkooda ku aaddan fikirka iyo falalka kooxahaasi, isla markaana lagu adkeeyay baahida loo qabo in laga hortago fikirka xagjirka ah iyo dhibaatooyinka uu bulshada u geysanayo.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta uusan ku koobnayn oo keliya howlgallada milatari, balse ay muhiim tahay in sidoo kale laga shaqeeyo wacyigelinta bulshada, ka hortagga faafitaanka fikirka xagjirka ah iyo xoojinta doorka culimada Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan, kana wada shaqeeyaan sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha Khawaarijta ee weli ku sugan qaybo ka mid ah Soomaaliya. Waxa uu sheegay in dowladda ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah kooxahaasi, si loo xaqiijiyo amniga shacabka, loo xoojiyo dowladnimada, loona helo Soomaaliya nabad iyo xasillooni ku naaloota.
Xuska 14-ka Oktoobar ayaa sannad kasta dib u soo nooleeya xusuusta dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii 2017, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay xusuustaan dhibaatadii dhacdadaasi reebtay iyo muhiimadda ay leedahay in laga hortago falalka argagixisada ee khatarta ku ah nolosha dadka rayidka ah.