Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay wafdi ka socda Sacuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Xarunta Ilaalinta Fikirka iyo Ka-hortagga Xagjirnimada ee Boqortooyada Sacuudiga, Sareeye Gaas Cabdullaahi bin Haadi Al-Haajiri, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ee dhinacyada la-dagaallanka fikirka xagjirka ah, ka-hortagga faafitaanka fikradaha gurracan iyo sidii loo horumarin lahaa dadaallada lagu ciribtirayo fikirka ay ku shaqeeyaan kooxda AS.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa wafdiga la wadaagay tallaabooyinka iyo qorshayaasha ay dowladda Soomaaliya ku waddo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah, isaga oo faahfaahin ka bixiyey dadaallada lagu wacyigelinayo bulshada iyo sidii looga hortagi lahaa fikradaha ay faafiyaan kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso la-dagaallanka fikirka xagjirka ah, maadaama uusan halistiisu ku koobnayn oo keliya falalka amni-darro, balse uu sidoo kale saameyn ku leeyahay nabadda, wadajirka bulshada iyo horumarka dalka.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay si weyn ugu baraarugtay khatarta ay leeyihiin kooxaha ku dhaqma fikradaha xagjirka ah, kuwaas oo banneystay dhiigga, nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wacyigelinta iyo dadaallada lagu ciribtirayo fikradahaas.

Dhankooda, wafdiga ka socday Boqortooyada Sacuudiga ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda uu u sameeyey, iyaga oo sheegay in dalkoodu uu dowladda Soomaaliya ka taageeri doono dhinacyada khibradda iyo waayo-aragnimada la xiriira ka-hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah.

Wafdiga ayaa si gaar ah u xusay in taageeradaasi ay xoogga saari doonto diyaarinta farriimaha wacyigelinta bulshada, tababarka howl-wadeennada ka shaqeeya arrimaha ka-hortagga xagjirnimada iyo bixinta taageero farsamo oo lagu horumarinayo hababka lagula tacaalayo fikradaha gurracan.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday iskaashiga iyo wada-shaqeynta ay yeelan doonaan Xarunta Ilaalinta Fikirka iyo Ka-hortagga Xagjirnimada ee Boqortooyada Sacuudiga iyo Xarunta Qaran ee Tubsan ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, oo dowladda u qaabilsan dadaallada lagu ciribtirayo fikirka xagjirka ah.

Iskaashigan ayaa la xiriira xoojinta awoodda hay’adaha Soomaaliya ee ka shaqeeya wacyigelinta bulshada, ka-hortagga marin-habaabinta fikirka iyo horumarinta barnaamijyada lagu taageerayo dadka u baahan in dib loogu soo celiyo nolol nabadeed iyo bulsho-wadaag.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada Sacuudiga taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan doorka ay ka qaadato dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.