Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar, Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Qaasim Al Taani, kaddib booqasho rasmi ah oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ku joogo dalka Qatar.
Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre la yeelanayo mas’uuliyiinta sare ee dowladda Qatar, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo wafdi ballaaran oo ay ka mid yihiin wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Qatar uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan horumarrada laga sameeyay dhinacyada dhaqaalaha, amniga, siyaasadda iyo xasilloonida.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sharraxaad ka bixiyay dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya waddo ee lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kor loogu qaadayo adeegyada bulshada iyo sidii loo abuuri lahaa fursado dhaqaale oo wax-ku-ool ah oo ay ka faa’iideystaan shacabka Soomaaliyeed.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarrada amni ee Soomaaliya laga sameeyay sanadihii u dambeeyay, iyadoo Ra’iisul Wasaare Xamsa uu xusay dadaallada dowladda iyo ciidamada Soomaaliyeed ay ugu jiraan xoojinta amniga iyo xasilloonida dalka iyo la-dagaallanka kooxaha khatarta ku ah nabadda iyo amniga shacabka.
Labada Ra’iisul Wasaare ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada hadlay xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee gobolka iyo guud ahaan caalamka, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadda, amniga iyo xasilloonida.
Waxa kale oo kulanka looga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah iyo sidii Soomaaliya iyo Qatar ay uga wada shaqeyn lahaayeen xal u helidda caqabadaha hortaagan habsami-u-socodka ganacsiga caalamka, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo jawi amni iyo dhaqaale oo taageera ganacsiga iyo horumarka.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Qaasim Al Taani, ayaa dhankiisa si weyn u bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta dalka.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar uu yahay xiriir xooggan oo ku dhisan iskaashi, is-aaminaad iyo wax-wada-qabsi, isagoo muujiyay sida ay dowladda Qatar uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhankiisa dowladda Qatar uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan garab istaagga ay u muujisay madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si weyn u qadarinayaan mowqifka dowladda Qatar ay ka qaadatay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii ay jireen isku dayo lagu waxyeelleynayay madax-bannaanida iyo qarannimada dalka.
Kulanka labada Ra’iisul Wasaare ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka saaxiibka ah, iyadoo Qatar ay ka mid tahay dalalka sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bulshada.
Booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ee dalka Qatar ayaa sidoo kale fursad u ah labada dowladood inay dib u eegaan xiriirkooda iyo iskaashiga labada dhinac, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa iskaashi cusub oo wax ka tari kara horumarka iyo danaha labada shacab.
Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Qatar, lana ballaariyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee danaha wadajirka ah, iyadoo la eegayo fursadaha jira ee labada dal ay si wadajir ah uga faa’iideysan karaan.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-faham iyo isku-afgarad ku aaddan sii wadista iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.