Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta sameeyay magacaabis isweeydaarin ah oo lagu sameeyay agaasimeyaasha guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, tallaabo ujeedadeedu tahay in lagu dardargaliyo hawlihii socday ee dowladda. Magacaabisaan ayaa lagu fuliyey iyadoo lagu saleynayo qodobka 119-aad, farqada (D) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si toos ah u magacaabay agaasimeyaasha guud ee hoos ku xusan:
- Mudane Yuusuf Cali Maxamed – Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, oo mas’uul ka noqon doona hogaaminta howlaha wasaaradda iyo xaqiijinta siyaasadaha amniga qaranka.
- Mudane Maxamed Saney Dalmar – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Shaqada iyo Bulshada, isagoo mas’uul ka noqon doona horumarinta barnaamijyada shaqo iyo adeegyada bulshada.
- Mudane Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, oo kaalin weyn ka qaadan doona qorsheynta dhaqaalaha, horumarinta maalgashiga, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
- Mudane Guuleed Cabdijaliil Cali – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, isagoo mas’uul ka noqon doona horumarinta iyo ilaalinta xoolaha, dhirta iyo daaqa, si loo taageero dhaqaalaha miyiga iyo beeraleyda.
- Mudane Yuusuf Xasan Isaaq – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, oo ka shaqeyn doona horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada, gaar ahaan helitaanka adeegyo tayo leh oo loo siman yahay.
- Mudane Maxamed Xasan Shire – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, oo mas’uul ka noqon doona sugidda amniga gudaha iyo taageeridda maamulka dowlad-goboleedyada si loo xoojiyo xasiloonida dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ku booriyey agaasimeyaashan cusub in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarinta hay’adahooda, si loo xaqiijiyo adeegyo hufan oo la gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed. Magacaabista ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ee lagu dardargelinayo howlaha maamul ee wasaaradaha, iyadoo la doonayo in lagu gaadho hufnaan, isla xisaabtan, iyo waxtar muuqda.