Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Dadka Deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaan ayaa howlgallo kawada deegaanno dhaca Jiinka Webiga Shabeelle ee hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay burburisay saldhigyo ‘AS’ ay ku lahaayeen Deegaannada kala ah Ciid-ciidka, Oobaale & kuwa kale isla markaana lagu dilay xubno katirsan ‘AS’ iyo saraakiil hoggaamineysa.
Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda ee howlgalkaas hoggaaminayay ayaa sheegay in go’doon la geliyay xubno katirsan ‘AS’ oo ku xayiran deegaannada dhaca Jiinka Webiga Shabeelle ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa dhankeeda sheegtay in ay xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee deegaannada Dowlad-Goboleedkaas ka socda maadaama madax, Saraakiil iyo dadka deegaanka ay qayb ka yihiin sida hadalka loo dhigay.