Xarun Caafimaad oo ay hirgalisay Hay,ada Bisha-cas oo laga furay D/Guriceel ee G/Galgaduud.

Maamulka Degmada Guriceel ayaa xariga ka jaray manta Xarunta Caafimaad cusub oo laga hirgaliyey degmda gaar ahaan xaafad weynta Dalsan Waaxdeeda Bilan taasi oo ay baahi wayn u qabeen bulshada ku nool iyo guud ahaan degmada .waxaana hergelisay ururka bisha cas ee soomaaliyeed ayada oo dhulka dhisamaha laga xarunta ay bixiyeen bulshada si ay u helaan adeegyada Caafimaad.

Munaasabada xarig jarka xaruntan caafimaad ayaa waxaa ka soo qaybgalay maamulka Degmda Guriceel oo ugu horeeyo Gudoomiye Faarax Cabdi, Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug, xubno ka mid ah Golaha deegaanka Degmada, Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Taardhuleed, Aqoonayahano, Ururada Dhalinyarada iyo Haweenka Degmada, Nabadoono, iyo Marti Sharaf kale oo lagu casuumay munaasabada.

Ugu horeyn madaxa Caafimaadka Ururka Bisha-cad ee Gobolka Galgaduud C/qaadir Jimcaale Xalane oo goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay cid walba oo ka qaybqaadatay in halkaan laga hirgaliyo Xarunta,sidoo kale Farxaan Nuur Cali oo ah madaxa Shaqaalaha ee bisha-cas ee Degmda Guriceel ayaa ka warbixyay howlaha Caafimaad ay qaban doonto xaruntani.

Nabadoon Cismaan Baraale iyo Shariif CaliJjaamc madaxa Salam Som Banka ee D/Guriceel, Cismaan Ciise Nuur(Taar) Wasiirkii hore ee amniga Galmudg marna Gudoomiye kasoo noqday deDegmdaan ayaa si wadda jir ah bisha-cad uga mahadceliyey waxqabadka la taaban karo oo ay ka fulisay Degmada isla markaasne ku bogaadiyay shaqada adag oo ay bulshada u hayaan
Dhanka kale Dr cali Cabdi Muuse madaxa caafimaadka Degmda Guriceel ee ayaa tilmaamay in Ururka Bisha-cas iyo Hay’aada ICRC ay tixgaliyeen Codsigii Bulshada ee ku aadanaay in Xarun Caafimaad uga dhisaan Xaafadaan Dalsan Waaxdeeda Bilan maadaama ay Magaaladu weynaatay isla markaase aysan gaarin goobaha caafimaadka.
Ugu danbeyn waxaa Munaasabada soo xiray Gudoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalim ayaa mahaceliyey cid waliba oo kaalin ku lahayd dhismaha iyo hirgelinta Xaruntan Caafimaad kuna soo aaday xili Baahi weyn loo qabay, waxa uu kula dardaarmay Shacabka ku Nool Xaafadaan inay ilaalsadaan Goobtaan Caafimaad oo shaqsi gaar u leh aysan jirin kana mid ah adeegyada danta Guud.