Xarunta Inji Dhusomareeb oo dib loo dhisayo.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Inji oo ay ay dagaanyeen Masuuliyiintii Ahlusunna halkaa oo saameyn xooggan uu ku yeeshay Dagaalkii Ahlusunna iyo Dowladda ku dhexmaray Dhusomareeb.

Xaruntan oo qaybo kamid Burbur kasoo gaaray Dagaalkii dhacay ayaa hadda lagu bilaabay dib u dayactir ballaaran.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Warfidiyeenka u sheegay in Xaruntan ay si KMG ah ugu shaqeyn doonaan Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka iyo Gollaha Wasiiradda Galmudug.

Inji ayaa ah Xarun ay ku yaalaan dhismayaal badan oo iskugu jira Goobo la jiifto iyo Hoolal lagu shiro oo Dad badan qaadal, waxaan horey u dhisay Bulshadda Degmooyinka Dhusomareeb iyo Guriceel.

p