Xarunta Taliska Qaybta 21aad ee Ciidamada Xooga dalka oo Tababar looga Furay Ciidamo Cusub.

Taliyaha qaybta 21aad Col. Maxamed Dhagawayne ayaa maanta tababar uga furey magaalada Dhuusamareeb askar iyo saraakiil xigeeno ka tirsan qaybta 21aad, gaar ahaan Ururka 1aad ee guutada 27aad iyo taliska qaybta.
Tababarkan oo ay bixinayaan macalimiin aqoon durugsan leh oo talisku usoo xuley diyaarinta ciidankan ayaa si gaar ah loogu barayaa taliye kooxyada, taliye horinada iyo taliye unugyada ka socday guutada iyo taliska qaybta Hoggaaminta Ciidanka, halka askarta labarayo dishibiliinka iyo shuruucda Ciidanka, tabta dagaalka iyo wax walba oo looga baahan yahay askari qaran.
Taliyaha qaybta 21aad Col. Maxamed Dhagawayne oo ay Munaasabada furitaanka tababarkan ku wehliyeen Taliyaha guutada 27aad Gaashaanle Saalim iyo Saraakiil kale ayuu taliyuhu kula hadley ciidankan iyo saraakiishooda, isagoo kula ku booriyay in ay u diyaar garoobaan weeleynta aqoonta iyo dadaalka ay ku bixinayaan macalimiintooda, sidoo kalena ay ku baraarugaan in tani tahay fursad ay heleen oo ay ku horrumarin karaan ciidannimadooda.
Taliyaha ayaa sidoo kale macalimiinta farey in ay isha kuhayaan sida ay u kala dadaal bataan adkarta, taasoo uu sheegay in lagu qiimeyn doono qof waliba mudnaanta uu yeesho, si gaar ahna uu u kormeeri doono mudada tababarku u socdo si uu ula socdo warbixintooda todobaadlaha ah.