Xasan cali khayre oo si kuluul uga hadlay shirka golaha wadatashiga qaranka ee muqdisho ka furmay.

Raiisal wasaarihii hore ee Soomaaliya xasan cali khayre ayaa ka hadlay shirka golaha wadatashiga ee muqdisho kafurmay.

xasan cali khayre ayaa sheegay in shirkaan uu kusoo aadaayo iyadoo dalku kujiro xaalad hubanti la,aan ah,

asan Cali Kheyrre”Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka furmay Muqdisho wuxuu ku soo aadayaa iyada oo dalku wajahayo hubanti la’aan siyaasadeed iyo duullaan shisheeye oo ay Itoobiya ku soo qaadday baddeenna”.
Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyrre ayaa ka hadlay shirka maanta Muqdisho uga furmay madaxda dowladda Federalka ah iyo hogaamiyayaasha dowlad-goboleedyada.
Mr Kheyrre ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri:-
“Waxaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ugu baaqayaa in ay masuuliyad iska saaraan samatabixinta dalka, danta guud ka hormariyaan dantooda gaarka ah, kana fogaadaan muddo-kororsi abuuraya khilaaf hor leh, xasillooni la’aan, iyo hubanti la’aan siyaasadeed, siina kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dadkeenna.
Sharciyaddu waa ruuxda dowladnimada, waxaana bixiya dastuurka dalka iyo sanaadiiqda doorashooyinka. Khibrad nagu filan ayaanna u leennahay cawaaqibta muddo-kororsi sharcidarro ah, kaas oo khatar ku ah geeddi-socodka dowladnimada, midnimada umadda, xasilloonida dalka iyo amniga qaranka.

xasan cali khayre rw xukuumada Soomaaliya ayaa ka hadlay arimaha doorashooyinka iyo sida xalku kujiro waxaana uu yiri”Jidka kaliya ee maanta dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed u furan waa in laga fogaado muddo-kororsi hor leh, degdegna loo qabto doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada oo waqtigoodu dhammaaday, lagana wada heshiiyo doorashooyinka Federaalka, si doorasho wadar-oggol ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhacdo May 15, 2026.
Ugu dambeyntii, si loo samatabixiyo midnimada dalka iyo wadajirka ummadda, waa in xal waara loo helaa tabashooyinka Puntland, lagana qeybgeliyo geeddi-socodka dowladnimada iyo doorashooyinka qaranka, si looga fogaado wax waliba oo sii kordhin kara khilaaf, kala-shaki, iyo hubanti la’aan siyaasadeed”