Xasan Cali Khayre “Wax heshiis ah lama gelin dowladda Itoobiya”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Khayre oo Magaalada Oslo kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay wada galeen, kaasi oo dhaliyay hadal heyn badan, welina quluubta shacabka Soomaaliyeed ka guuxaya.

Wuxuu sheegay Khayre in ay jiraan dad ka soo horjeeda in ay dowladnimada oo wax walbana siyaasadeeya, isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyay inaanay jirn Dekad la siiyay Itoobiya, balse Dekedaha ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Khayre ayaa u muuqday mid dafiraya inaanu jirin heshiis ay wada galeen dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, oo warbaahinta uu u faah faahiyay Wasiirka Warfaafinta Sheekh Daahir Maxamuud Geelle, kaasi oo khuseeyay heshiis Dekedeed oo labada dowladood ay kala saxiixdeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, wada hadalna yeesheen, intaasi kadibna ay soo saareen war-murtiyeed khuseeya kulankooda, balse halkaasi uusan ka dhicin wax heshiis ah.

“Waxaa jira dad ka soo horjeeda dowladnimada oo wax walba siyaasadeeya, si ay u carqaleedaayaan dowladnimada, maalmahan waxaan maqlayay in heshiis lala galay dowladda Itoobiya, annaga wax heshiis ah lama gelin Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa inoo yimid, waan soo dhaweynay, shirkii markuu idlaaday war-murtiyeed baa ka soo baxay, kaas oo ah in dhaqankii hore wax laga bedelayo, Dekedo aan bixinay ma jiraan, Dekedaha shacabka Soomaaliyeed baa iska leh.” Ayuu yiri Khayre.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa habeen kahor wuxuu TV-ga dowladda kala hadlay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo u faah faahiyay heshiiskii dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, balse shacabka weli ma qancin, oo waxaa laabtooda ka guuxaya hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ee ahaa in la mideynayo labada dal.