Xasan Cali Kheyre oo booqasho kutegay Wasaaradda Maaliyadda Puntland

Boqashadaan uu Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Khayre uu ku tagay Xarunta Waasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa ahayd mid uu ku ogaanayay shaqooyinka iyo hab qaab dhismeedka Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Ra’iisul wasaare Khayre waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ,Agaasimaha Dakhliga iyo Masuuliyiin  kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

 Xasan Cali Khayre Boqashadiisaan Xarunta waxaa ku weheliyay Madaxawaynaha  Puntland,Madaxwayne ku xigeenka Puntland Golaha Wasiirada Federaal iyo Puntland iyo marti sharaf kale

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane C/qaadir Siciid Carshe dhaqaaje ayaa ugu horayn hal kaasi ka hadlay waxana uu yiri “Mudane Raysalwasare adiga iyo wafigaagu ku soo dhowaada Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland waa xarunta ugu wayn ku taala Caasimada ee laga maamulo maaliyaadda Dawladda Puntland”.