Xasan Cali Kheyre oo dhagax dhigay dib u dhiska Wasaaradda Qorsheynta

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta dhagax dhigay dib u dhiska iyo dayactirka dhismaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dib loo dhiso Hay’addaha kala duwan ee dowladda ,kuwaasoo ku burburiyay dagaalladii Sookeeye.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Qaar ka mid ah dalalka Caalamka ay ka taageeri doonaan sidii dib loogu dhisi lahaa xarunta Wasaaradda.