Xasan Cali Kheyre oo gaaray Jowhar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray  magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hirshabeelle.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa inuu dhagax dhigo mashaariic laga hirgelinayo magaalada, sida dhismaha xarun u yeelanayo Baarlamaanka Hirshabeelle, dhismaha wadada isku jirta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar.

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo ka qeyb qaadanaya amniga Ra’iisul Wasaaraha oo ka baxay magaalada Muqdisho ay gaareen magaalada Jowhar.