Xasan Cali Kheyre Oo galay Madaxtooyada Dalka

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaarihii dalka oo baarlamaanka Soomaaliya uu sheegay  uu kalsoonida kala laabtay ayaa goordhow soo gaaray Muqdisho ka dib markii uu kasoo ambaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Kheyre ayaa waxaa ku wehliya Safarkiisa tiro Xildhibaano iyo Wasiir ka tirsanaa xukuumaddiisa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya,halkaas oo uu warbaahinta kula hadli doono.

Waxaa lagu waddaa in uu ka hadlo go’aankiisa ku aadan kalsooni kala noqoshadda baarlamaanka Soomaaliya.