Xasan Cali Kheyre oo Guddi u Saaray cabashooyinka Maamul Goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Guddi Wasiir ah oo ka kooban afar xubnood kuwaasoo Aqalka sare kala shaqeeya xalinta cabashooyinka maamul Goboleedyada.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo jawaab u ahaa war saxaafadeedkii Aqalka Sare uu kaga dalbaday Xukuumadda inay caddeeyaan mowqifkooda cabashada maamul goboleedyada iyo khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.