Xasan Cali Kheyre oo isbitaalka ku booqday dhaawaca Xildhibaan Boorow

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isbitaalka ku booqday xildhibaan Maxamed Mursal booroow oo xalay Qarax loogu xiray gaarigiisa uu kasoo gaaray dhaawac culus.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in dowladda ay la socon doonto Xaaladda Xildhibaanka, waxaana sidoo kale dhintay darawalkii waday gaarigiisa.

Dhaqaatiirka isbitaalka la geeyay Xildhibaanka ayaa sheegay in xaaladiisa Caafimaad ay soo hagaageyso in kastoo xildhibaanada uu dhaawac culus soo gaaray.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu Qaraxaasi ku waayay gacantiisa Bidix oo go’day.

Xildhibaanka ayaa xalay gaari Hilex ah oo uu saarnaa uu ku qarxay xilli uu maraayay Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan dhanka Tiyaatarka Qaranka.