Xasan Cali Kheyre Oo Ku Wajahan Magaalada Qardho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu gaarao Magaalada Qardho ee Gobolka Bari ee Puntland,iyadoo halkaasi laga dareemayo soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in ra’iisul wasaraha markii uu gaaro qardho uu kulmao gaar ah la qaadan doono Mas’uuliyiinta Maagalada iyo bulshada qeybaheyda kala kuwan ee halkaasi ku dhaqan,waxaana uu ka xog wareysan doonaa xaalada siyaasaded ka jirta Qardho.

Ujeedka uu Magaalada Qardho u gaaraayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay in uu u kuurgalo xaalada amniga eek a jirta Qardho iyo mida garka ah

Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland waxaana uu Garoowe kaga qeyb geli doonaa Munaasabadda Sanadguuradii ka soo wareegatay Markii la Aas-Aasay Maamulka Puntland taas oo ku beegan 1-da Bisha Agoosto.