Xasan Cali Kheyre Oo kulankiisii ugu horreeyay la qaatay Guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulankiisii ugu horreeyay la qaatay guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga talo ka siiyay hannaanka ay u gudanayaan waajibaadka laga doonayo, isaga oo ku dhiirri geliyay samaynta Istaraatiijiyd ku habboon dar-dargelinta mas’uuliyadda ka saaran badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha guddiga, ahna wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Goodax Barre, oo ka warbixiyay shirka ayaa sheegay in kulanko

oda maanta looga hadlay qorshaha waxqabadka guddiga ee sannadkaan 2019, ayna Ra’iisul Wasaaraha kula wadaageen hannaanka ay u qaabeeyeen shaqada ay qabanayaan.

Wasiir Cabdullaahi Goodax a

yaa sheegay in guddiga iyo Ra’iisul Wasaaruhu ay isla garteen in shaqooyinka guddiga la haleeshiiyo tubaha qaranka iyo in wasaarad waliba ay sannadkaan gacanteeda kusoo celiso ugu yaraan sedax hanti dawladeed o

o aan cid gaar ah gacanta ku hayn iyo laba hanti dawladeed oo gacanta ugu jirta shaqsiyaad ama shirkado gaar ahna, sidoo kalana isla sannadka gudihiisa laga shaqaysiisyo, si bulshada Soomaaliyeed ay ug