Xasan Cali kheyre Oo Kurmeer Kutegya Qaar kamida degmooyinka Gobolka banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeer uu ugu kuur gelayay xaaladda amni ee caasimadda ku soo maray qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Benaadir.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay kormeerkiisa ku wehliyeen Wasiirka Amniga, Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Nabad-sugidda iyo saraakiil kale ayaa ciidamadda xasilinta waxay la qaateen waqti iyagoo kula dardaarmay inay laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka warbixiyay kormeerka shaqo ee R/Wasaaraha Soomaaliya uu ku  sameeyay Magaalada ayaa sheegay in uu ahaa mid loogu koor-galayay amniga Magaalada Muqdisho

 “Kormeerka shaqo waxuu ahaa in aan u kuur galno Nabadgalyada magaalada muqdisho, waxaana ka bilownay dhanka Madaxtooyo ilaa waxaan sii tagnay Deyniile kor ayaan u sii dhaafnay ilaa Tareedisho, waxaan ka sii aadnay ilaa Jasiira, Kaxda meelahaas dhan ayaan kormeer Ku sameynay”. Ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Sidoo kale Wasiirka amniga ayaa waxa uu sheegay hadafka inuu ahaa in Ciidamada ay la qeybsadaan xaalada ay ku shaqeynayaan, maadaama uu tilmaamay inay yihiinMas’uuliyiinta Qaranka.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ogaanayaan in har iyo habeen aan u taaganahay, hadda waa Saddexdii Habeennimo Salaadda Subax ayaa dhalan rabta, waxaana joognaa ilaa iyo Magaalada daafaheeda oo aan Kormeer ku soo marnay, Amniga magaalada wuu sugnaa.” ayuu yiri markale yiri Wasiirka amniga.

Kormeerkan amni ee xalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya saacadaha badan Ku bixiyay ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu xoojinayo amniga Caasimadda dalka, inkastoo weli ay jiraan falal amniga ka baxsan oo ka dhacaya gudaha iyo banaanka magaalada.