Xasan Cali Kheyre oo la filaayo in uu taggo Hobyo?

Wafdi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta lagu waddaa in ay taggaan Magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro iyo qaar ka mid ah Safiiradda Beesha Caalamka.

Kheyre ayaa lagu waddaa in uu xariga ka jaro  dhimsaha Wadada isku-xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo oo dib-udhis lagu sameeyay,iyo sidoo kale mashaariic kale oo halkaasi laga fulinayo.

Waxaa sidoo kale lagu waddaa in uu kormeer ku taggo Dekedda Degmada Hobyo.

Guddiga Gob oo dhisay Wadada iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug ayaa warbaahinta  u xaqiijiyay tagitaanka Hobyo ee Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Wadada isku-xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ayaa waxaa dhisay Bulshadda kunool gobolka Mudug, waxaana dhismaheeda uu socday Sanado badan.