Xasan Cali Kheyre oo Magacaabay Wasiiro dhowr ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow Magacaabay Wasiiro dhowr ka dib Wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni, halka Wasiirkii xilkaas hayay Sheekh Nuur loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

C/llaahi Goodax Barre ayaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada, Maadama horay xilkaasi looga qaaday Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan.

Shawaqar Ibraahim Cabdalla ayaa sidoo kale loo Magacaabay Wasiir ku xigeenka Shaqadda iyo Shaqaallaha.

Sidoo kale wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa loo magacaabay C/qaadir Sheekh Baqdaadi, waxaa uu bedelay Wasiiru dowlihii hore Khaliif C/qaadir Macalin Nuur.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda waxaa loo Magacaabay Cabdullaahi Bidhaan Warsame.